mid ka mid ah Muuqaalada Al-shabaab oo internet-ka laga saaray

Al-shabaab ayaa laga xiray Baro muhiim ah oo ay soo dhigi jireen muuqaalada iyo warbixinada weerarada ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Maareeyaha Shirkadda Google ugu qaabulsan Bariga Afrika, Dorothy Ooko ayaa sheegay inay  weerarkii ceel-cade ay Filimkaasi ka saareen Internetka, maadaama uu ka horimaanayo Sharciga Google iyo Xuquuqda Aadanaha, waa sida uu Warbaahinta u sheegay.

Al Shabaab oo maalmahaan dambe muuqaalo badan iyo Sawiro ku saabsan dagaalkii Ceel Cadde soo bandhigeysay ayaa inta badan waxaa laga xiray goobo qaas ah oo ay leeyihiin sida Youtube-ka iyo barar kale oo ay aad u isticmaalaan .

Google, waxay sheegtay inay sannadkii hore ka saareen dhowr Muuqaalo Video oo ay Alshabaab ka diyaariyeen weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Mpeketoni ee duleedka magaalladda Lamu ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

Waxaa kaloo ay Sheegay in aysan aqbalidoonin in sawiro iyo muuqaalo qatar galinkara amniga gobolka inaan la soo galin karin barta google.