Wasiir wasaarada arimaha gudaha Xukumada Soomaaliya ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay soo dadajinyaan dhismaha maamulka hiiraan iyo shabellaha Dhexe.
Wasiir odawaa ayaa sheegay in odayaasha dhaqan ay diideen wasaarada arimaha gudaha iyo madaxda kale ee dalka ,sidaa darteena looga baahanyahay in ku dadaalaan dhismaha maamulka.
Odawaa ayaa sheegay in dhismaha Aqalka Sare uu xanibanaaan doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
dhanka kale wasiirka wasaarada amniga xukumada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa codsi u jeediyay odayaasha shirku ugu socdo magaalada Baledweyne Xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in aan laga maarmin odayasha Baledweyne islamarkaana looga fadhiyo Odayaasha kale in ay ka soo qeybgalayaan waxgaradkaas.


