Ammaanka Uganda oo la adkeeyay

Ammaanka dalka Uganda ayaa si weyn loo adkeeyey ka dib markii ay soo baxeen halis dhank amniga oo la sheegay in ay kusoo wajahantahay dalka ugaanda.

Ciidamda dalka Uganda ayaa manta waxay bilaabeen howlgal balaaran oo la sheegay in lagu xaqiijinayo amniga guud dalkaasi.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay waraaqo ku daadiyeen wadooyinka dalka Uganda gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Mbale oo ku taala Bariga dalkaasi.

Afhayeenka Ciidamada dalka uganda  Diana Nandawula ayaa u sheegay the Miror in manta jiraan howlgaladaas lagu xaqiijinayo Ammaanka guud ee dalka ,islamarkaana  ciidamadu ay qabteen ninkii waraaqaha ku daadiyey wadooyinka, uuna sheegay in ay jiraan weeraro ay Al-shabaab qorshaynayaan in ka geystaan Magaaalada Kampla ee caasimada dalka Uganda iyo waliba magaalooyinka ku yaala bariga dalkaas oo  ay fashiliyeen

dhanka kale Taliye xigeenka Ciidamada  booliiska  Gobolka ee Aagga Elgon dalka Uganda ayaa sheegay howlgal ay Sameeyeen in kusoo qabqabteen dad maleegayay in weeraro ka geysteen dalka Uganda.

Al- Shabaab ayaa dhowr jeer dowladda Uganda ugu hanjabay in ay geeysan doonaan weeraro magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.