AKHRISO: Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay Amnidarada Muqdisho

Axmed Macalin Fiqi Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Suggida Amniga dalka.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in lala yimaado Istiraatiijiyad Qaran oo ku saabsan Amniga dalka waxaana uu Madaxda ku bogaadiyay in ay ka shaqeeyaan Arintaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay la timaado Qorshe lagu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed ,islamarkaana looga hortagaayo Qaraxyadda.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in dowladdu ay kala garato caddowgeeda iyo caasigeeda.

“Amni-darro ka weyn ma jirto marka ay ummad (qaran) isaga qaldanto caddowgeeda iyo caasigeeda” oo ay dhacdo in laga weecdo ka hortagga khataraha amniga qaranka dulsaaran, ayadoo awooddii, fikirkii iyo ficilkiiba loo duwayo la tacaalidda caasiga gudaha” ayuu Yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu intaasi kusii daray “Marka aragti fogaan dheer ku saleysan ee nabadgalyo qaran lala yimaado, laxowga qaniinyooyinka caasiga gudaha waa loo gigsan karaa.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay Falal lidi ku ah Ammaanka.