Xog Cusub oo kusaabsan Markabkii ay Afduubteen Burcad-badeeda

TO GO WITH AFP STORY BY JEAN-MARC MOJON A Somali, part armed militia, part pirate, carries his high-caliber weapon on a beach in the central Somali town of Hobyo on August 20, 2010. Hobyo has no schools, no clinics and bad drinking water sources. Fighting a losing battle against the sand that has already completely covered the old Italian port, Hobyo's scattering of rundown houses and shacks looks anything but the nerve centre of an activity threatening global shipping. AFP PHOTO / ROBERTO SCHMIDT (Photo credit should read ROBERTO SCHMIDT/AFP/Getty Images)

Saraakiisha Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla ee xeebaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kooxaha Burcadbadeeda uu gacantooda galay Markab siday Saliida.

Afhayeenka Ciidaka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla Soomaaliya Louise Tagg ayaa sheegay in Kooxaha Burcadeeda ay Afduubteen Markabkaasi oo ahaa mid ganacsi ,islamarkaana uu ka dulbabanaayay Calanka dowladda Srilaanka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay wadaan Baaritaano kala duwan oo lagu doonaayo in lagu soo badbaadiyo dadkii iyo sidoo kale Hantidii Saarneyd Markabkaasi.

Waxaa uu xusay in Markabkaasi ay kooxaha Burcadbadeeda ay kasoo Afduubteen badweynta India.

Salaad Nuur oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka degmada Caluula ayaa sheegay in Markabka ay soo Afduubteen Kalluumeysato iyo sidoo kale Kooxo horay uga tirsanaan jiray Burcadbadeeda.

Sidoo kale Salaad ayaa sheegay in ay Adag tahay in la ogaado waxaa uu Markabko siday Laakiin waxaa uu tilmaamay in qaarkood ay u sheegeen dadka degaanka in markabku uu siday Shidaal ,halka kuwo kalena ay sheegeen in uu waday Saliid.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Warbixin kasoo Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda ,laakiin Howlgalkii La dagaalanka Burcadbadeeda oo Daciifay ay suurta gal tahay in ay dib u soo laabato Afduubkii Kooxaha Burcadbadeeda.

Hadii arrintan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa dhacdadii u horraysay ee markab xamuul ganacsi ah ay ku af-duubtaan budhcad badeed Soomaali ahi tan iyo sannadkii 2012.

Guuto ka tirsan  ciidamada badda ee Midowga Yururb ayaa BBC-da u sheegay  “waxaanu dhacdadan ka war helnay shalay [isniintii] waxaana aroornimada hore saaka u dirnay diyaarado nooca yaryar ah si ay u soo baaraan”.

John Steed oo ka tirsan hay’adda  Ocean Beyond Piracy, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri “shalay galabtii wuxu markabku sheegay in ay daba socdeen laba laash oo yaryari, ka dibna warkiisaba waa la waayey”.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.