Iskuulada C/xafiid iyo Boqor Faad ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo si habsami leh uga socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.
Tartankan ayaa waxaa maalgelinaya Shirkadda Cabitaanada ee Cocacola, taasi oo Iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa Abaalmarino ay ku farxaan, inta aan la gaarin ciida, si ay ugu ciideestaan.
Iskuulada C/xafiid iyo Boqor Faad ayaa xarunta dhexe ee Risaala la yimid min Shan Arday, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u heersareeya.
Boqor Faad ayaa ugu dambeyn guusha raacday oo keensaday dhibco gaaraya 11, halka C/xafiid oo la tartamayay uu keensaday 6 dhibcood.
Guddiga Tartanka ayaa sidoo kale Shaaciyay Iskuuladda usoo gudbay Wareegga Labaad,kuwaasoo berri loo sameyn doono Qori tuur, waana 7 Iskuul oo kala ah:
Saaxil
Hiigsi
Golobal
Abii Xaniifa
Al-Nahda
Al-Anwaar
Boqor Faad



