Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxyadii maanta ka dhacay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya sidda ay sheegeen Kooxaha gurmadka deg deg ah.
Ku dhawaad 20 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeen Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, Shaqaallo ka mid ah Wasaaradda, Shacab goobta maraayay iyo Afar ka mid ah Kooxdii Weerarka soo qaaday.
Kooxda Weerarka qaaday Qaraxyadda ka dib ayaa la sheegay in ay wateen dharka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa soo gaaray Burbur xooggan.
Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya , maamul goboleedyadda iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay Qaraxyadii Muqdisho.
waxaa qoray: Ali Omar Abdi



