AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay degmada Xamarjajab gaar ahaan Afaafka hore Maqaayada lagu Magacaabo Luul Yamani.

Wariye ka tirsan Risaala oo goobta tagay ayaa sheegay in Qaraxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho , Dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo dhow Dekedda Muqdisho ayaa ah waddo Mashquul badan oo inta badan ay maraan gaadiidka, waxaana sidoo kale ku yaalla Maqaayado iyo goobo ganacsi.

Sidoo kale guri dabaq ah oo ku yaalla kasoo horjeeda Maqaayada Luulyamani ayaa dumay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dad ay ku hoos jiraan.

Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin kama bixin Qaraxa, waxaana wali socda Gurmadka loo sameynaayo dadka uu saameeyay Qaraxa.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli galabta ciidanka dowladda Soomaaliya ay xireen Wadooyinka ayna ka hortagaayeen banaanbaxyo lagu waday in maalinta berri ay ka dhacaan Muqdisho.