AKHRISO: Ninkii ugu cimriga dheeraa oo maanta geeriyooday

Manta waxaa dunida isaga tagay oo geeriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay.

259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa markii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dunida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sidaasi ku galay (Guinness World Records).

Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Nonaka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905

waaberigii saakay ayuu ku geeriyooday gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Daily Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano.

W/T: Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Abdishakur Gesey).