AKHRISO: Halkuu ku dambeeyaa Mooshinkii madaxweyne Farmaajo ?

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay heleysa ayaa tibaaxaya in Mooshinkii laga keenay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faramaajo la isku afgartay in lagu xaliyo wadahadal.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo markii horeba qabtay Mooshinka in laga dhaadhiciyay in xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay uu ku qanciyo in qaab wadahadal ah cabashooyinka ay u qabaan madaxweynaha lagu xaliyo.

Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sabab u noqday khilaaf soo kala dhex galay gudoonka golaha Shacabka, inkastoo mar dambe gudoonka golaha ay isku afgarteyn in ay sii wada shaqeeyaan, walloow aynan si faahfaahsan kaga hadal waxa ay isku afgarteyn.

Sida Risaala xogta ku heleyso Gudoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinka ka dalbaday in wadahadal lagu xaliyo Mooshinka ay soo gudbiyeen oo aan golaha la horgeyn balse xildhibaanadu ay iska diideen codsigaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan shaaciyo in Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo uu buray, waxa ayna arrintaani imanaysaa kadib kulan ay wadaqaateyn isaga iyo R/wasaare Kheyre.