AKHRISO: Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo laalay 11 kursi

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu laalay 11 kursi oo k amid ah kuraastii Doorashada xildhibaanada oo ka dhacday xarumaha shanta Maamul Goboleed.

Xildhibaanada la doortay ee dib loo celiyay waxaa ka mid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarada Maxamed C/laahi Nuux iyo Eng Saalax Carmaan oo lagu doortay Magaalada Jowhar.

Axmed Maxamed Abtidoon oo lagu doortay Magaalada Cadaado iyo C/laahi Maxamed Aadan oo Kismaayo lagu soo doortay iyo xildhibaano lagu doortay Baydhabo iyo Garowe ayaa kamid ah xildhibaanada kuraastooda la diiday.

1111 2222