Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Jawaano ay ka buuxaan Dhalooyin Qamri ah, kadib markii Ciidanka ay ku soo qabteen Jawaanadaasi Howlgal ay ka sameeyeen Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Goobta lagu soo bandhigayay Qamrihgan ayaa waxaa tagay Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Gaafow Maxamuud iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana ay saxaafada u soo bandhigeen 74 Jawaan oo ay ka buuxaan waxyaabaha maanka doooriya.
Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ciidanka, waxaan uu sheegay in loo baahan yahay waxyaabaha maanka dooriya ee sidan oo kale loogu hayo Magaalada Muqdisho Ciidanka in ay soo qabtaan.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa amaanay Howlgalka Ciidanka ay ku soo qabteen waxyaabahaasi maanka dooriya, waxaana intaasi kadib loo dhaqaaqay duleedka Degmada Kaaraan, halkaasi oo lagu gubay maan dooriyahaasi.
Maandooriyaha ayaa qeyb ka ah falaka lidiga ku ah amniga, waxaana maalmihii u dambeeyay Ciidanka ay wadeen Howlgallo lagu raadinayay ragga iibiya waxyaabaha maanka dooriya.



SAWIR QAADE:- Cali Xasan Cali


