Agaasimaha NISA oo Degmada Moqokori kula hadlay Saraakiisha ciidamada DF iyo kuwa Macawiisleyda

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowladda Hirshabelle  Cabdiraxmaan Daahir Guure Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Xildhibaanno heer Fedaraal ah oo kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa  degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta ee Ee Macawiisleyda.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka guddoomiyaha degmada Maxaas Ciise Maxamuud Cabdi waxaana diiradda lagu saaray dar-dargelinta howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxuuna ku amaanay sida aay ugu heelanyihiin difaaca dalka iyo dadka.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in aay dhameestirto howlgalka Ciribtirka Khawaatijta ee Hirshabelle iyo guud ahaan Soomaaliya ka socda.