Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta goordhow kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Soo dhaweynta madaxdaasi waxaa ka qeyb galay xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo muujiyay muhiimadda ay imaanshahooda u leedahay xaaladda siyaasadeed ee uu dalka ku sugan yahay.
Labadan siyaasi ee caan ka ah siyaasadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulammo muhiim ah la yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada tashado xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka, gaar ahaan iyadoo uu jiro walaac laga qabo jihada ay u socoto siyaasadda dowladda.
Imaanshahooda ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed, waxaana loo arkaa dadaal lagu doonayo xal u helidda is-mariwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.



