Agaasimaha Leicester Oo La Kulmay Riyad Mahrez

Dawacooyinku oo hore looga qaatay xiddiga khadka dhaxe ee N’Golo Kante oo ugu biiray Chelsea  heshiis £ 32million laba todobaad ka hor ayaa haddana qarka usaran in ay lumiyaan xiddig kale oo muhiim ah.

Ranieri, aya isha ku haya inuu isku dayo in kooxdiisa horyaalka ku guuleystay uu kusii hayo ciyaaryahanka Mahrez , iyadoo agaasimaha kooxdan Jon Rudkin uu ku qaliqaaliyay xiddiga in uu saxiixa heshiis waqti dheer ah,

Sida laga soo xigtay Daily Mirror, shan ciyaaryahan oo uu kujiro bartilmaameedka Arsenal Riyad Mahrez  ayaa heshiis cusub ay siin doontaa kooxda Horyaaalka difaacaneysa.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Agaasime Rudkin ayaa la kulmay milkiilayaasha kooxda Leicester Thai , isniintii si uu kala hadlo heshiisyada ciyaartooyda sare ee Ranieri,

Leicester ayaa dooneysa in ay Mahrez, Kasper Schmeichel, Danny Simpson, Danny Drinkwater iyo Jeffrey Schlupp heshiis cusub ay ka saxiixdo.

Arsenal ayaa la sheegay in ay qalqaalo ugu jirto Mahrez iyadoo Ranieri kooxdiisa Dawacooyinka safaro ay kujoogto qaarada Asia.