Togdheer-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray Labo Abwaan.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Risaala u sheegay sababta loo xiray Abwaanadan in ay tahay kadib markii ay ay tiryeen Gabayo lagu amaanayay Madaxweynaha cusub ee Soomnaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Abwaanadan ayaa tiriyay Gabayo ay ku cabirayeen afkaartooda, kaas oo ku aadan in ay ku amaanaan Madaxweyne Farmaajo oo 8-dii Bishan lagu doortay Magaalada Muqdisho.
Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Labadan Abwaan, waxaana socda dadaalo lagu soo deynayo.


