DEG DEG:- Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo lagu xiray Hargeysa

Hargeysa-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ku xiray Wariye Coldoon, kadib markii uu ka tagay Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa ku warameysa sababta loo xiray Wariye Coldoon in ay tahay, ka qeyb qaadashada iyo Taageere siinta ololihii Doorasho ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland weli faah faahin kama aysan bixin xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo si weyn looga yaqaano Baraha bulshada ay ku xiriirto.