DHAGEYSO: Taliye Beylood oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciiddamada Cirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beylood) ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed u diray dhammaan Ciidamada Cirka iyo Taliyeyaashooda.

Sidoo kale waxa uu Hambalyo u diray Xaasaska iyo Caruurta Ciidanka iyo Saraakiisha Ciidamada Cirka.

Taliyaha ayaa sheegay in 15-ka Fabraayo ay tahay Maalin ku weyn Ciidanka Cirka Soomaaliyeed islamarkaana ah maalin muhiim ah sida uu sheegay.

Taliyaha Ciiddamada Cirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beylood) ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaalada ay iminka ku sugan yihiin Ciidanka Cirka.

Waxa uu sheegay in xaalad adag ay ku nool yihiin Ciidamada Cirka islamarkaana aysan heysan agabkii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan.

Maanta oo ay tahay 15-February ayaa loo dabaal dagayaa sanad guurada 57-aad ee aas aaska Ciiddamada Cirka waxaana Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Hambalyo u dirayaan Saraakiisha iyo Ciidanka.