Muqdisho-RisaalaFM- Kulankan oo ahaa mid lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana soo qaban qaabiyay Odoyaal ka soo jeeda Magalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe
Waxaa ka soo qeyb galay kulankan Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle, Odayaasha Dhaqanka, Haween iyo marti sharaf kale.
Ugu horeen Odayaashan ayaa waxa ay hambalyo u direen Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sidoo kale Baarlamaankii soo doortay, oo isugu jira Labada Gole.
Waxa ay kula dardameen Madaxwenaha in uu ka feejignaado musuq maasuqa, kala faquuqa dadka, iyo cadaalad daro ay ku kacdo Dowladda uu hoggaanka u yahay.
Kulankan ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo dibada ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan lagu doortay Muqdisho.


