Galgaduud-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka xoogga ee Bariga Gobolka Galgaduud Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) oo la hadlay VOA ayaa waxa uu ka hadlay Howlgallo ka dhacay Gobolkaasi.
Waxa uu sheegay Howlgallo si gaar ah uga dhacay Degaanada Budbud, Moqokori iyo kuwo kale oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud in lagu dilay 51 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab, kadib Howlgallo Hujuun ah oo ay sameeyeen Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha Howlgaladan in aysan dhicin hal waqti oo keliya balse ay dhaceen Bishii December 2016-kii ilaa Bishii Janaayo ee sandkan.
Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) Taliyaha Ciidanka xoogga ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay dhankooda khasaaraha soo gaaray in uu yar yahay.
Taliyaha ayaa tilmaamay in Howlgaladan ay qaadeen markii ay xog rasmi ah ka heleen shacabka degaanadaasi ku dhaqan, waxaana uu xusay in Howlgaladan ay soo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.


