Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii Dekeda Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Waxaa maanta oo Khamiis ah degan xaalada magaalada Boosooso ee xarunta Gobolka Bari, oo shalay ay ka dhaceen Banaanbaxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyo waliba khasaare hantiyadeed.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee magaalada Boosaaso, kuwaasi oo aad u sugaya ammaanka, sidoo kalena wata Gaadiidka Dagaalka.

Banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay laba qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen kuwo kale, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxa dhigayay, kana soo horjeeday xirnaanshaha Dekeda magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale heshiis hordhac ah ayaa laga gaaray khilaafka ka taagan Dekeda magaalada Boosaaso, waxaana lagu heshiiyay in dib loo furo Dekeda Boosaaso, si howlaheedii shaqo ay dib ugu bilaabato.

Maxamed Cali Siyaad, Radio Risaala, Gaalkacyo