Booliska Kenya oo beeniyay in ay toogteen 36 ruux

Kenya-RisaalaFM- Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska dalka Kenya Mr Joseph Boinnet ayaa Gaashaanka u daruuray Wararka ka soo baxay maalmihii la soo dhaafay Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha iyo Ururada Bulshada rayidka ee ahaa in ay laamaha Booliska Ttogasho ku dileen 36 ruux oo Rayid ah tan iyo bishii August oo dalka uu Doorasho martigaliyay.

Afhayeenka Booliska Kenya oo Warbixin uu soo saaray Taliska Guud Warbaahinta La Wadaagay ayaa sheegay in Booliska labadii Doorasho Madaxtinimo ee dalka ka dhacday Bilihii August iyo October rabshadihii dalka ka dhacay ay ku geeriyoodeen oo kaliya 11 ruux.

Maalintii shalay ayaa Warbixin ka soo xaxday Hay’ada lagu magacaabo Medico Legal Unit  waxaa lagu sheegay in Booliska ay toogteen 36 Ruux tan iyo markii ay Gudiga Doorashada shaaciyeen Natiijadii Madaxtinimo 11-kii Bishii August.

Dadka la toogtay ayaa badi ahaa Taagerayaasha Mucaaradka oo ka biyo diidsanaa Doorashada walow markii dambe Maxkamada Sare ay laashay ka hor inta aan lagu celin dabayaaqadii Bishii la soo dhaafay oo ay isbaheysiga Mucaaradka ee NASA ay iyadana Dibadjoog ka aheyd loolanka Doorashadaasi.

Taliska Booliska ayaa dhanka kale sheegay Warbixinada ay soo saareen Hay’adaha u Dooda Xuquuqda aadanaha ay aheyd oo Kaliya in lagu magac dilo Taliska adeega.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya