DHAGEYSO: Muqdisho oo laga xusay maalinta Tacadiga Wariyeyaasha (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta Khamiis ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 02-da November 2017-ka waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee dhammeynta la xisaabtan la’aanta xadgudubyada loo geysto Wariyeyaasha, (International Day to end impunity for crimes againts Journalist), kaasi oo ay soo qaban qaabisay Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA).

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ururo warbaahineed oo ay ka mid yihiin Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA), Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Somali Women Journalist (SWJ), SIMHA, iyo Media for Peace.

Sidoo kale Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka socday Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Warfaafinta, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada, Madaxda Ururada Warbaahineed, Agaasimeyayaal, Quburo Saxaafadeed, Wariyeyaal iyo xubno kale.

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) Ustaad Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ugu horeyn khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyay goobta ayaa sheegay 2006-dii ilaa hadda Aduunka in lagu dilay 930 Wariye, wuxuuna tilmaamay dadkii Wariyeyaashaas dilay ama dhibaatada u geystay in aysan dhameyn 10% in la soo qabto.

Wuxuu sheegay Ismaaciil Sheekh Khaliifa maalintan sababta loo asteeyay in ay aheyd hadii la dilo Wariye in la helo qofkii dilay, isaga oo sidoo kale tilmaamay 1992-kii ilaa hadda in Soomaaliya gudaheeda lagu dilay 67 Wariye, oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaasi oo intooda badan dadkii dilay aanan la horkeenin cadaaladda.

Farxiyo Maxamed Kheyre oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJ) ayaa sheegtay inta badan Maamulada warbaahinta in aanay dhiiragelin Wariyeyaasha Soomaaliyeed, oo keliya ay moodaan in shaqadiisa maalmeedka uu qabsanayo, waxay sidoo kale tilmaamtay Wariyaha inaan lagu ixtiraamin heerkiisa aqoonta.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed inta badan in Suxufiyiinta ay ku xantaan in aysan laheyn Aqoon, midaasina aysan sax aheyn, keliyana aysan aqoon daro heysan saxaafadda, balse xirfad walba ay ka muuqato aqoon daro.

Sidoo kale Guddoomiye Maahir ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay xil weyn iska saarto badqabka Wariyaha oo xuriyadiisa ay siiso, wuxuuna tilmaamay Wariyeyaasha in ay ku shaqeeyaan Sakiin Dusheeda, taasi oo uu ula jeedo xaalad halis ah.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay Koonfur Galbeed inta Wasiirka Warfaafinta ka yahay inaan lagu xirin Hal Wariye, midaasina ay tahay guul, isaga oo sidoo kale tilmaamay Ka Koonfur Gabeed ahaan in ay aad ula shaqeeyaan Wariyeyaasha.

Wasiirka Warfaainta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay Degaanada Hirshabeelle in ay ka howlgalaan 127 Wariye oo kala jooga magaalooyinka Jowhar, Beledweyne, Balcad, Buula-burde, Warshiiq, Cadale iyo kuwo kale, oo 9 ka mid ay gabdho yihiin, 11-ka mid ahna ay yihiin kuwo u shaqeeya Federaalka.

Wasiir Mahad ayaa sidoo kale sheegay in Hal Wariye uu ka geeryooday kaasi oo ahaa Wakiil Wareedka Jubbaland ee magaalada Beledweyne, kuna geeryooday Qaraxii ka dhacay Gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay wariyeyaasha in ay ku shaqeeyaan xaalad adag, mar walbana ay garab taagan yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Baarlamaanka Soomaaliya Khaalid Macow oo Munaasabadda soo xiray ayaa maalintan in ay tahay maalin xusuus mudan, wuxuuna sheegay xeerka Saxaafadda doodiisa in ay socoto, si loo soo saaro xeer ay ku mideysan yihiin Warbaahinta, mar walbana ay dhageysanayaan aragtiyada kala duwan.

Maalinta Caalamiga ah ee dhammeynta la xisaabtan la’aanta xadgudubyada loo geysto Wariyeyaasha, (International Day to end impunity for crimes againts Journalist) oo sanadkasta 02-da November la xuso ayaa waxaa asteysay Qaramada Midoobay sanadkii 2013-kii, kadib markii UNESCO ay soo jeedisay in la helo maalin u gaar ah in la joojiyo ama la dhameeyo dhibaatooyinka loo geysto Suxufiyiinta.

Codka Ismaaciil Sheekh Khaliif Xoghayaha Ururka SOMA.

 

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad