DHAGEYSO: Galmudug oo Ajaaniib Al-shabaab ka tirsan qabatay

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney qabteen seddex ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo kamid ahaa ciidamadii Alshabaab ee la dagaalamay maamulka Galmudug, dagaalkaasi oo ka dhacay bariga gobolka Mudug.

Taliyaha nabad sugida ee Galmudug oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ajaaniibta la qabtay oo seddex garaya u kala dhasheen Kenya iyo Tanzaniya.

Saadaq Cumar Xasan, ayaa sheegay iney sidoo kale jiraan dad ay u maleynayaan iney ajaaniib yihiin oo ku dhintay dagaaladii ka dhacay bariga gobolka Mudug.

Inka badan 100 dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan ayuu sheegay iney ku xiran yihiin xabsiyada deegaamada Galmudug kuwaasi oo caruur ay ku jiraan.