Gaari qarax lagu xiray oo lagu qabtay degmada Hodon

Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo la yaalay agagaarka madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodon.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan NISA ayaa baahisay in gaariga ciidamada ay qabteen waaberigii saaka.

Gaariga lagu qabtay degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa noociisa lagu sheegay inuu ahaa Kaarib, kaasi oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Ciidamada NISA ayaa la sheegay iney dadka ku dhow dhow goobta gaariga yaalay ka saareen kadibna ay furfureen waxyaabihii qarxay ee gaarig ku xirnaa.

Ciidamada ayaana saaka baaritaano ka wada degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah