Wasiir Maryan “Gaadiidka Xamuulka Dekadda ayaa lagu xanibay”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in ay ka fakarayaan habka ugu haboon ee Gaadiidka Dekada Muqdisho ka qaada xamuulka loogu fasixi lahaa magaalada.

Waxaa socda hada gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii bishan maalin Sabti ah ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, si Gaadiidka aanay u xanibin wadooyinka.

Waxa ay sheegtay in Shaqaallaha Dekedda ay si weyn uga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan.

Dekedda Muqdisho ayay sheegtay in wali ay ku jiraan gawaari waa weyn oo ku xanibay sababtuna ay tahay Magaalada wadooyinka ku yaalla ay ka socdaan Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalintii Afraad waxaa ka socda Gurmad xooggan, waxaana jira dhaawacyo laga qaadayo dalka.