Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xubnaha labada Golle ee dowladda ayaa maanta gaaray magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidamadda dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan si loo guda galo dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,
Waxaana inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Beledwayne si looga gudbo tabashada ay qabaan dadka deegaanku.
Wasiirka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafada halkaasi kula hadlay ayaa ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay gobolka Hiiraan.


