Puntland oo sheegatay in Al-shabaab ay ka baxeen deegaanadeeda

Wararka inaga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in la soo gaba gabeeyay dagaaladii maamulka Puntland ay in muddo kula jirtay ururka Al-shabaab.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaaladii ay Al-shabaab kula galeen Garacad in ay ku dileen ku dhowaad 112 askari oo ka tirsan Al-shabaab halka sidoo kalana ay hayaan maxaabiis gaareysa 63, waxaana dhankooda ay sheegeen in dagaaladii Puntland ka dhacay looga dilay ku dhowaad 6 askari.

Masuuliyiin iyo madax sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen goobihii ugu dambeeyay ay dagaalada ka dhaceen, waxaana ay sheegeen in Al-shabaab ay ka baxeen deegaanada Puntland.

Dadka deegaanka ah ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay u sii gudbayeen deegaano hoostaga Galmudug.