Kenya-RisaalaFM- Koox ka tirsan uruka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Equity Bank oo ku yaalla magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Weerarkan oo ay fuliyeen ilaa Afar Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay degaan u dhaxeeya Mandhera iyo Ceel-waaq, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Ceel-waaq oo aan la xiriirnay.
Shabaabka weerarka qaaday ayaa watay hubka nuucyadiisa fudud, iyaga oo in mudo ah Rasaas ka ridayay gudaha Bankiga, intaasi kadib Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarkaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi oo saakay dhacay waxaa ku geeryooday Hal Askari oo boolis ah, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba Qof oo shacab ah.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay weerarkaasi, iyaga oo sidoo kale sheegay Ragga weerarka soo qaaday in ay u soo talaabeen dhanka Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxa ay ka geystaan weeraro toos ah iyo Qaraxyo, inkastoo Ciidamada Kenya weli aysan ku guuleysan in ay ka hortagaan weerarrada Shabaab.


