Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu magaalada muqdisho ku soo xiray shirka madasha wadatashiga qaran ee dowlada hoose oo maalmo ka socday muqdisho.
Shirkan horaay waxaa u daahfuray ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka cadaalada Ilka jiir waxaana ka soo qeyb galay gobolada aan wali gaarin nidaamka federaalka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada arimaha gudaha.
Madaxweynaha oo gaba gabadii kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu bogaadiyay shaqada wasaarada arimaha gudaha iyo sida ay u wado dhismaha maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Waxaa kulanka ka qeyb galay wariyaheena Axmed Cabdi Cali oo aan wareysi la yeelanay.


