DHAGEYSO: Guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan oo gaaray Beledweyne

Hiiraan-RisaalaFM- Guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyo) iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Bel edweyne ee Ugaas Khaliif waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay xubno maamulka gobolka, saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyo) Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa durbadiiba waxaa loo galbiyay gudaha magaalada, waxaana ay kulamo la qaateen Odayaal, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefow oo isagu ka mid ah maamulka cusub ee dhowaan la soo magacaabay.

Dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyo) ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay maamulkiisa in uu ku dadaalayo sidii uu ku qancin lahaa dhammaan dadka degan gobolkan.