Jowhar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Kili-maseerow oo ku yaala Duleedka magaalada Jowhar waxaa ka dhacay Qarax Miino, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo saarnaa mid ka mid ah Gawaarida Dagaalka.
Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in khasaare dhaawacyo ah uu soo gaaray, waxaana Ciidamada dhaawacmay loola cararay Ibitaalka magaalada Jowhar.
Dhanka kale markii uu Qaraxaaasi dhacay ayaa waxa Degaankaasi ka bilowday Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab, sida ay sheegeen dadka Degaanka.
Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ilaa hada aanan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan.
Wixii soo kordha kala soco Radiorisaala.com


