Rasaas lagu furay dad raashin loo qeybinayay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas lagu furay dad loo qeybinaayay Raashin.

Koox hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay rasaas huwiyeen dadkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Maamulka degmada Balcad oo ay Risaala xariir la sameysay ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo rasaasta maanta lagu furay dadka barakacayaasha ah ee Raashinka loo qeybinayay.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net