DHAGEYSO: Maamulka gobolka”dib u dhis ayaa lagu sameyn doonaa xarunta Iskaashatada”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta warbaahinta muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in dib loo dhisi doono xarunta Iskaashatada oo ay bur buriyeen qaraxyadii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhaca.

Howshan dib loogu dhisayo xaruntan ayaa waxaa fulinaya maamulka gobolka Banaadir , sida uu maanta halkaasi ka sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howsha dhismaha xarunta iskaashatada Soomaaliyeed dhowaan la soo gabagebeyn doono isla markaana howlihii adeega bulshada ee lagu qaban jirey si dhaqso leh loogu bilaabi doono.

Gudoomiye Yuusuf ayaana gaba gabadii waxa uu umahadceliyay cidii ka qeyb qaadatay dhismaha dib udayactir iyo sidoo kale dadka kale ee hada doonaya in ay ka qeybtaan dhismaha ayuuna soo dhaweeyay, isagoonu tilmaamay in xaruntaasi quruxdoodii hore lagu soo celin doono.