DHAGEYSO: Xukuumada”saanad Militari ayaan u dirnay Puntland”

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Xukuumada Soomaaliya ayaa so hadal qaaday dagaalada ka socda deegaano ka tirsan maamulka Puntland, waxaana halkaasi isku hor fadhiya ciidamada Puntland iyo ururka Al-shabaab.

Waxaana xukuumadu ay sheegtay in 2 diyaaradood iyo hubkooda in ay maanta u dirtay maamulka Puntland si ay isaga difaacaan kooxaha soo weeraray.

Wasiirka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay.