Weerar ka dhacay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan oo Shabaabka ay ka soo qaadeen dhinaca xeebta ee Degmada Baraawe ayaa waxa ay ku gubeen Gaari C/bile ah, oo ay wateen Ciidanka Dolwadda Federaalka.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre (Jeex) oo la hadlay Risaala ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay in ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkan.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay weerarkan in uu socday mudo saacado ah, ayna maqlayeen Rasaas culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa dib u laabtay, waxaana saakay halkaasi Howlgallo gaar ah ka wada Ciidanka Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan.