Nairobi-RisaalaFM- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa ee Kenya iyo Soomaaliya, sida horey loo sii shaaciyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) iyo dhigiisa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka qeyb galaya shirkan, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira Labada dal.
Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa xaalada Qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab, Abaaraha Soomaaliya ka jira, Amniga, Ganacsiga iyo isu socodka Labada dal.
Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan dhowaana loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay in ay tahay ka qeyb galka shirka maanta ka furmaya Magaalada Nairobi, ayna rajeynayaan in guul uu ku soo dhamaado.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta Qaxootiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay waxa ay booqasho rasmi ah ku tageen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Madaxweynaha safarkan uu u yahay kiisa labaad, maadaama uu horey u aaday dalka Sacuudiga


