Hargeys-RisaalaFM– Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah macalin wax ka dhiga Dugsiga gaarka loo leeyahay ee lagu magacaabo Nuura-diin ayaa Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa waxa ay xabsiga u taxaabeen maalin ka hor, kadib markii lagu eedeeyay in ay isku magac noqdeen Madaxweynaha Soomaaliland.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacani ku sameystay adeega xawilaada lacagaha ee shirkadda Isgaarsiinta ee Telesom, wuxuuna lacag ganaax ah u diray Ciidamada Nabad gelyada wadooyinka, kuwaas oo markii ay arkeen magacan u gudbiyay Hay’adaha nabad gelyada.
Mahad Ibraahim Maxamed oo ah Maamulaha Guud ee Dugisyada Nuura-diin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay macalinkaasi in uu magaciisa ahaa Axmed Maxamed Maxamuud, balse Siilaanyo uu ula baxay jaceyl uu u qabo Madaxweynaha.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland General C/laahi Fadal Iimaan ayaa ninkan ku eedeeyay in uusan laheyn magacan, dambina uu galay.


