K/Afrika-RisaalaFM- Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin magacaabista Golaha Wasiirada, waxa ayna tilmaameen Golaha Wasiirada in ay ka rajeynayaan in ay wax weyn u qabtaan shacabka Soomaaliyeed.
Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen Golaha Wasiirada in looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, si loo gaaro guulo muhiim ah.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ayay ugu baaqeen in ay iska ilaaliyaan khilaaf in uu soo kala dhexgalo, sidii Dowladihii hore oo aan u soo arakanay oo kale.
Waxa ay sheegeen Qaranimada oo keliya in ay ka maqan tahay, ayna doonayaan in laga gudbo Qabiil, waxayna mar kale sheegeen in ay taageerayaan Golaha Wasiirada.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa Talaadadii ina dhaaftay waxa uu magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya, oo ka kooban 68 xubnood.


