Xudur-RisaalaFM- Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxa ay ka mid tahay goobaha ay saameeyeen Abaaraha ka jira dalka, oo ilaa iyo hada aanan la gaarsiin gar gaar dhameystiran, maadaama wadooyinka qaar ay yihiin kuwo xiran.
Cabdala Mustaf Cumar waa mid ka mid ah Ganacsatada ka shaqeysata Degmada Xudur, mar uu u waramayay Wariye Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayuu sheegay in hoos u dhac weyn uu ku yimid Ganacsiga Degmadaasi.
Sidoo kale Cabdala Mustaf Cumar ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Degmada Xudur, wuxuuna sheegay sicir barar in uu ka jiro Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Hoose iyo Hay’adaha Caalamiga ah ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xalaada adag ee ka jirta Degmada Xudur iyo Degaanada hoos yimaada.
Wariyaha warbaahinta Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayuu qadka Telefoonka ugu waramay.


