Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan “Xaamud” ayaa la kulmay Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga General Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri.
Taliye Xaamud ayaa Saraakiishii uu la kulmay waxa uu kala hadlay taageerada Dowlada Talyaaniga eek u aadan Ciidanka booliiska soomaaliya iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen tababarada ciidanka booliiska soomaaliya.
Sidoo kale Wada hadalada labada dhinac ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayan Ciidamada Boliiska Soomaaliyed iyo Carabinieri ee Dalka Talyaaniga.
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan “Xaamud” oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu u mahad celiyay Taliyaha ciidanka Carabinieri Talyaaniga General Tullio Del Sette iyo Gen Ilio Ciceri Abaanduulaha Ciidanka Carabinieri sida wanaagsan ee ugu soo dhaweeyan dalkooda Talyaaniga sidoo kalena wuxuu uga mahad celiyay adkeynta xiriirka wada shaqeyn ee labada ciidan.
Wafdiga uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan “Xaamud” ayaa waxa ay Booqdeen Dugsiga Baarista Danbiyada dalka Talyaaniga.
Hoos ka Daawo Sawirada:-











