Daawo Sawirada C/weli Gaas oo lagu soo daweeyay gobolka Ohio

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.

Waxaa hoolka ay Xaflada ka dhaceysay ku sugnaa dadweyne aad u fara badan iyo Masuuliyiinka magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.

Waxaa ka hadlay Xaflada Masuuliyiinta Jaaliyada, Madaxda ururada, siyaasiyiin, Oday dhaqameed, iyo Culumo waxaya dhamaantood si diiran usoo dhaweeyeen Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wafdigiisa.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo Xaflada soo dhaweynta khudbad ka jeediyay ayaa marka hore u mahad celiyay Soomaaliyeed eek u soo dhaweeyay magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.

Waxa uu sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio u sharaxay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas tago magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio tan iyo markii xilkaasi qabtay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

IMG_2767 IMG_2762 IMG_2715 IMG_2710 IMG_2690 IMG_2653

IMG_2640 IMG_2588 IMG_2587 IMG_2556 IMG_2549-1 IMG_2520IMG_2462 IMG_2461 IMG_2460 IMG_2353 IMG_2454 IMG_2458