Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay dardar gelinayaan dhankooda wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibada ee Maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hakad ku jiraan wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkooda.
Waxa uu tilmaamay in aysan weli dhaqan gelin heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dhinac, waxa uuna sheegay in dhanka Dowlada Federaalka Soomaaliya aysan ka dhaqan galin heshiisyadaasi.
Waxa uu ku baaqay in Madaxda Dowlada Turkiga ay dib u bilowdo shirarka lagu heshiisiinayo iyo kuwa lagu dhex dhexaadinayo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa waxaa horay loogu qabtay shirar lagu dhex dhexaadinayo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.


