Shir looga hadlaayay isku xirka hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa loogu hadlay wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya Cadaaladda iyo arrimaha garsoorka si loo horumariyo cadaallada dalka.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa warbaahinta ugu warbixiyay shirka furmar iyo.
Waxa uu sheegay in shirkaan ahmiyad gaar ah lagu siinayo xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga.
Shirkaan ayaa waxaa uu noqon doonaa mid la qabto Bishiiba mar sida uu warbaahinta u sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya.


