Dagaal culus oo ka dhacay Baardheere

Baardheere-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay xalay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degmadaasi.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin xaafadda Kurman.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ayaa bilowday 10:30 habeenimo, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Baardheere, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Shabaabku uu u muuqday mid qorsheysan, balse ay ciidamadu fashiliyeen.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab.

Weerarkan, ayaa noqonaya midkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku soo qaadaan Baardheere billihii ugu dambeeyay, Baardheere waa degmada ugu wayn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.