J/Hoose-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal Ciidanka Kenya iyo Shabaab ku dhexmaray Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow, maadaama Shabaab weerarkooda uu isugu jiray Qaraxyo iyo weerar toos ah.
Sidoo kale Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalkan ay kula wareegeen Sahnad Millitari oo Ciidanka Kenya ay leeyihiin, gaar ahaan Gaadiidka Dagaalka iyo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo looga hadlayo dagaalka degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.


