DAAWO SAWIRRO: Ku saabsan Degaanka Kulbiyow

J/Hoose-RisaalaFM- Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saakay ku dagaalamay Ciidanka Kenya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow, maadaama Shabaab weerarkooda uu isugu jiray Qaraxyo iyo weerar toos ah.

Dhanka kale Dowladda Kenya oo Dagaalkan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in ay Ciidamo dheeraad ah u dirtay Degaanka Kulbiyow oo saakay Shabaab ay ku qaadeen weerar isugu jiray Qaraxyo sidoo kale mid toos ah.

kulbiyow2 kulbiyow3 kulbiyow4 kulbiyow5 kulbiyow6 kulbiyow7 kulbiyow8 kulbiyow9 kulbiyow10