DAAWO SAWIRRADA: Dabka ka kacay Bakaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Weli waxaa socda dadaalo lagu daminayo dab ka kacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Agagaarka suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Nawaaxiga Suuqa Cabdalla Shideeye, gaar ahaan Bakhaarada lagu iibiyo Bun qaxwaha oo mid ka mid ah dabkaasi uu ka kacay.

Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa Risaala u sheegay dabka inuu ka dhashay Burjiko taalay goob Shaah lagu Iibiyo Bakhaarka Dabka uu ka kacay hortiisa.

Dadka qaarna waxa ay sheegayaan dabka inuu ka dhashay Koronto, iyadoo uu ku sii fiday dhismooyin ku dhaw Guriga Dabka uu ka kacay ee Suuqa Bakaaraha ku yaallo.

Sawirro ay heshay Idaacadda Risaala ayaa muujinaya dabka oo weli socda iyo Ganacsatadii Hantida laheyd oo iyaguna goobta jooga, s ay Hantidooda u bad baadsadaan.

 

6e 7e 8e10e 11e 12e

1q

1e 2e 3e 5e

2q 3q 4q 5q 7q

Sawir Qaade: C/qaadir Cabdalla (Proza)