Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kadib Munsaabadab ka dhacaday Xarunta KMG ee Aqalka Sare.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo xubno kale ayaa ku sugnaa xarunta, iyagoo la socday qaabka ay Munaasabada u socotay iyo qaabka ay Musharaxiinta u jeedinayeen Khudbadaha.

Waxaa khudbado laga dhageystay dhamaan Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana khudbadahooda ay ahaayeen kuwo ku saabsan wax qabadkooda hadii ay xilka qabtaan.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Sidoo kale Kalfadhiga koowaad kulankiisa Afaraad ee xubnaha Aqalka Sare ayaa furmay, sida uu sheegay Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare.

Kalfadhiga furmay oo ay soo xadireen 33 xildhibaan, ayaa waxaa lagu dhaariyay Saddex xildhibaan, oo ka mid noqday xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare.

labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.

Maalinta Berri ah oo Axad ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa.