DHAGEYSO: Maalinta Saxaafada Soomaaliya oo Muqdisho laga xusay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay maalinta war-faafinta Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Janaayo.

44 sano ayaa ka wareegatay markii la soo saaray wargeyskii ugu horeeyay ee ka soo baxay Dalka Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Ururada Bulshada, ururrada Saxaafada, Saxafiyiin, Qoraayaal Soomaaliyeed, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Dalka, Macalimiin, Waxaana Munaasabada si Wadajir ah usoo qaban qaabiyay Ururada Warbaahineed ee SOMA iyo NUSOJ.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka loo geystay sanadkii la soo dhaafay Wariyaasha Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa sheegay in Munaasabadaan ay tahay mid muhiim u ah Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale Wariyaasha Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 21-ka Janaayo oo Maanta ku beegan, waxa uuna ka sheekeeyay hormarka ay sameysay Warbaahinta Soomaaliyeed.